HA QAADANIN DAAWOOYINKA DHIIGA BIYA BIYEEYA.

Bil asxaanakum hadaad qaadataan daawooyinka hoos ku qoran ha istoobin, hadaad rabto inaad istoobtana isbuuc jooji, inaad joojin kartana kala tasho dhakhtarkaada. Aspirin. ( Apixaban (Eliquis). Dabigatran (Pradaxa). Dalteparin (Fragmin). Edoxaban (Savaysa). Enoxaparin (Lovenox). Fondaparinux (Arixtra). Haparin (Innohep) and Rivaroxaban (Xarelto).

 JOOJI BIYAHA IYO CUNTADA 3DAX SAAC KA HOR INTAADAN NOO IMAANIN

Walaalayaal toobinka waxaa oogu fiican inaad sameeyso adoo sooman, hadii aadan soomeeynin waxaa sameeysaa inaad joojiso wax walba 3da saac ee ballantaada ka dhiman si aad faa iido wanaagsan ooga heshid toobinka.

 HADAAD DHIIG YARAAN QABTO (ANEEMIYA) HA ISTOOBIN.

Macaamiisheeyda waxaan u sheegayaa intaadan istoobin utag dhakhtarkaada oo soo hubi inaadan aneemiya qabin oo uusan dhiiga kugu yareeyn, kadibna noo imaow.

 SOO QABEEYSO SOONA WEYSEEYSO INTAADA ISTOOBIN.

Walaalayaal intaadan istoobin soo qabeeysta soona weyseeysta, maadaama toobinka uu yahay sunno faa iidooyin badanna laga helo.

 TOOBINKA KADIB HILIBKA GADUUDAN HA CUNIN.

Markii lagu toobo kadib 3da maalin ee soo socota ha cunin Hilbi ariga, Geela, Lo'da, iyo idahaba, maadama xinjirro badan lagaa soo saaray waxaa la doonayaa dhiiga socodkiisa inuu wanaagsanaado si difaaca jirkaada u xooganaado.